Guddoomiyaha Mursal oo Cambaareeyay Qaraxa Argagaxisada ka geysteen Muqdisho

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaareyay qaraxii qasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay ee kooxaha nabad diidka ah ee Al shabaab ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho,waxaana qaraxaas  ku dhaawacmay Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir oo ka tirsan golaha shacabka.

”Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun waxaan cambaareynayaa qaraxii kooxaha arxan laabayaasha ah ka geysteen Magaaladda Muqdisho,dadkii qaraxaasi ku geriyooday oo ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidamada Soomaaliyeed Illaahey ha u naxriisto sidoo kalena dadkii ku dhaawacmay oo ay ku jirto   Xildhibaan Seynab Maxamed Caamir oo ka tirsan golaha Shacabka Caafimaad deg deg allaha ha siiyo”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Ciidamada amaanka ku amaanay dadaaladda ay ugu jiraan Sugida Amaanka shacabka Soomaaliyeed wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada amaanka ay ku garab siiyaan sugida amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.