Faragalinta iyo Falaad Xumada Hananka Doorashada Jubaland

yusuf

Cidda wada fallaadxumada ee faragalinta ku haysa hanaanka iyo habraaca doorashada Jubaland waa hogaanka maamulka Jubaland. AMISOM, dowlada federaalka iyo International communiti-ga ayaa faragalin nagu hayaa waa been aan sal iyo raad lahayn.

CADEYNTEEDANA WAATAN:

Dhammaan arrimahan hoos ku taxan waxay cadeyn u yihiin cidda faragalinta iyo fallaadxumada ka wada wada Kismaayo. Tusaale;

1. Yaa gudiga khariban ee doorashada la tashi la’aan magacaabey;

2. Yaa odayaasha dhaqanka milgada iyo maamuskooda u diidan oo leh seddex ii keena aan mid kala bixee;

3. Yaa musharixiinta u cagajugleynaya, taageerayaashan ka xirxiraya.

4. Yaa musharax Xiddig Airporka ku xanibey, dhaqdhaqaaqana u diidey;

5. Yaa musharax Cabdifataax weerarey, oo xirey campaign manager-kiisii.

6. Yaa musharax Seeraar weerarey oo isku daye in la khaarijiyo.

Hadaba faragalinta aan ka hadleyno waxay ku koobantahay ilaa hadda waa hogaanka maamulka Jubaland iyo hayadaha amniga oo si khaldan loo adeegsanayo. Arrinta xaqiiqada ah ee ka jirta Kismaayo waa taa waana tan keentey in aan cid walba oo aan isleenahay waxbaay ka qaban kartaa aan hordhigeyno, kuna garaneyno. Waxaanu rabno waa habraac doorasho oo aan cidi u xaglineyn, iyo doorasho si xor ah u qabsoonta

Haddaad ogtihiin iyo haddaad moogtihiinba booqashada safiirka INGIRIISKA ee Kismaayo nuxurkeedu waxuu ahaa in farrrintaa ama dareenkaa uu gaarsiiyo hogamiyaha maamulka Kismaayo, aadbaan Safiirka iyo dowladiisaba ugu mahadcelineynaa.

Yuusuf Ducaale, GRJO,
Musharax MMJ

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.