50 Qof ayaa ku dhimatay Labo kaniisadood oo qarax lagu weeeraray

kniisad

Ugu yaraan 52 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.

Ilaa lix qarax ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado iyo hoteello ku yaal dalkaasi, xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado ku yaal degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa.

Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.