Boliiska ayaa Faahfaahin ka bixisay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakiya Xuseen Axmed oo la hadashay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka warbixisay Qarax maanta ka dhacay Isgoyska Dabka.

Jeneraal Zakiya ayaa sheegtay in Gaariga qarxay Noociisu uu yahay Toyota Harrier, islamarkaana la hordhigay dhismo u dhow isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho, kadibna uu qarxay, waxaana Qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ay ku sheegtay inay yihiin Afar qof oo dhimasho ah iyo Shan kale oo Dhaawac ah.

“Gaari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ayaa qarxay, Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah, Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo” ayey tiri Jeneraal Zakiya

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed mar kale u baaqday in ay muujiyaan Taxaddar, islamarkaana Booliska iyo Laamaha ay kusoo war geliyaan Gawaarida laga Shakiyo.

“Waxaan mar kale u sheegeynaa shacabka in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991” ayey mar kale tiri Jeneraal Zakiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.