Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Magacaabay Saddex Wasiir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu magacaabay Saddex Wasiir oo kamid noqonaya Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ayaa Wasiirka Wasaaradda Dastuurka u magacaabay Saalax Axmed Jaamac oo horay u ahaa wasiirka wasaarada shaqada halka loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa iyo Fowsiya Maxamed Sheekh oo loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.