Dowlada Somaliya oo Shaacisay cida ku guulaystay Jagada Gudoomiyaha Bangiga Dhexe

bangiga

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen magacaabista guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee maanta waxa ay kusoo bandhigtay natiijadii kasoo baxday imtixaanaad loo galay xilka gudoomiyaha bangiga dhexe oo ay soo codsadeen 146 aqoon-yahan, taas oo ugu dambayn uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Golaha wasiirrada ayaa soo jeedinta wasaaradda maaliyadda kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhaqaalaha aqoon durugsan u leh uu qabto xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

Bangiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha ugu muhiimsan hagidda hannaanka maaliyadeed ee dalka ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.