Shirkii Golaha Wasiirada Jubaland oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

axmedmadoobe

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka golaha Wasirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah.

Ugu horayn Arimaha Amniga iyo Siyaasada ayuu Madaxweynahu golaha uga warbixiyay iyo sida ay tahay xaalada Nabadgalyada deeganada Jubbaland ee xorta ah iyo sidii Hay’adaha ku shaqada leh ay usii adkayn lahayeen.

Gudiga Dakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta sida ay u socdaan howlaha dakhliga iyo caqabadaha ilaa hada jira iyadoo golahu uu bogaadiyay dadaalka gudigan isla markana la isku raacay in lasii laba jibaaro shaqada.

Waxaa kale oo golahu uu warbixin ka dhagaystay Wasaarada Caafimaadka iyadoo Xubno Wasaarada katirsan oo uu hogaaminayo WasiIr ku xigeenka Waasarada ay howlo shaqo u joogan Goboolka Gedo waxaa sidoo kale Wasaaradu ay soo bandhigtay hanaanka fidinta Adeegyada Caafimaad iyadoo Xarumo Caafimaad laga hirgalinayo dhamaan deeganada ay dadweynahu ku noolyahiin ee xorta ah gaar ahaan waxaa qorshahan lagu bilaabaya Deeganada Waqooyiga iyo aaga joore si dadka halkaas ku nool ay u helaan adeegyo dhamaystiran.

Wasaaradu waxaa kale oo ay hirgalinaysa Xarumo lagu dabiibo Hooyada iyo Dhalaanka kaas oo laga hirgalinayo qaybtiisa ugu horaysa deegaanka Buulo Guduud.

Wasaaradaha Kaluumaysiga Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ayaa iyaguna sharaxaad dheeri ah ka bixiyay shirar iyo kulamo ay maalmahii lasoo dhaafay la yeesheen Hay’adaha iyo dhinacyada ay wada shaqaynta la leeyahiin taas oo ku saabsan sidii howlaha shaqo ee ka dhexeeya loo dardar galin lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.