Daawo:Afhayeenkii Hore ee Amniga Jubbaland oo Weerarka Afka ku qaaday Axmed Madoobe

joogsade

Afhayeenkii Hore ee Amniga Jubbaland Siciid Cabdi Budul “Joogsade” ayaa Weerarka Afka ku qaaday Hogaamiyaha Jubbaland ee waqtigiisu dheeraad kaas oo ku fashilmay Hogaanka Jubbaland, Siciid Joogsade ayaa waxuu waraysi dhinacyo badan taabanaya uu siiyey Telefishinka Universal Tv.

Siciid Joogsade ayaa waxuu ka warbixiyey Xaalada adag ee Jubbaland ku jirto taas oo curyaamisay Horumarkii iyo hankii ay lahaayeen Bulshada Jubbaland, dhanka kale Siyaasi Siciid Joogsade ayaa waxuu ku eedeeyey Axmed Madoobe inuusan doonayn in doorasho xaq ah ay kadhacdo.

Waxaa kaloo Siciid Joogsade sheegay inaysan shaqaalaha Jubbaland yasan sanad kudhawaad aysan qaadan mushaar dhaqaalaha Jubbaland soo galana ay ku dhacdo Jqasnad gaara oo uu lee yahay Hogaamiyaha Fashilmay ee Axmed madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.