Madaxwayne farmaajo oo Cunaqabtayntii ka qaaday Axmed madoobe iyo Wasaaradda Qorsheynta oo shir kuqabatay kismayoo

juba

Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Dhaxe Soomaaliya ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay Watashiga Qorshaha Horumarimta Qaranka Sagaalaad wareeggiisa kowaad oo lala yeeshay Rugta Ganacsiga Jubbaland.
Hadafka Wasaradda Qorsheynta dalka oo ah in wadatashi lala yeesho Ummadda Soomaaliyeed oo dhan si qorshaha u noqdo mid ay leeyahiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana furitaanka munaasabada lagu daahfuryay wadatashiga gooobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Wasiirada Maamulka Jubbaland oo kala Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka ganacsiga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dastuurka iyo Xoghayaha Joogta Wasaradda Qorsheynta JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan.

Qaar ka mid ah Wasiiradda Jubbaland oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa ay talaabadan ku tilmaameen in ay tahay mid ahmiyad wayn u leedahay Jubbaland, dhankooda ay bogaadinayaan shaqada ay waddo Wasaaradda Qorsheynta Dowladda dhaxe iyo tan Jubbaland.

Dhawaan bay ahayd Markii Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ka codsaday Madaxwaynaha Soomaliya in laga qaado Xayiraada adag Dowlada Soomaliya iyo shacabka jubbaland kusoo rogeen Axmed madoobe, Shirkaan Maanta wasaarada Qorshaynta Soomaliya ka furtay Kismaayo waa guul usoo hoyatay Hogaamiyaha fashilmay ee Jubbaland Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.