Daawo:Kulankii dhexmaray Raiisawasaare Khayre iyo wasiirka Wasarada Wasiirrada Kalluumaysiga

Ra’iisul Wasaaraaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo kulmay wasiirrada kalluumeysiga ee Dowlad goboleedyada oo soo geba gebeebey shir ay Muqdisho ugu qabatay wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay dadaalka iyo kulamada joogtada ah ee lagu horumarinayo kalluumaysiga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada in ay sii laba jibbaaraan wada shaqaynta si hannaan wadar oggol ah looga faa’iidaysto kalluumaysiga oo kamid ah khayraadka dalka uu leeyahay ee ka qayb qaadanaya horumarinta kobcinta dhaqaalaha dalka.
Wasaaradda Kaluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ku jirta tubaha siyaadda loo dhanyahay iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa hal-beegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato waxaa kamid ah dhismaha guddiga Kalluumaysatada Soomaaliyeed iyo samaynta suuqya kalluumaysi oo Casri ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.