NISAoo fulisay hawgal lagu dilay maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan

shabab

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ballaaran oo ka dhacay xarumo maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.

 

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka ay ku leedahay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Farsoolya laguna dilaya ilaa 40 xubnood oo k atirsanaa Alshabaab.

“Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood”. Ayaa lagu yiri qoraalkan.

Hay’adaha ammaanka dalka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Gobolada dalka Soomaaliya,kuwaasi oo isugu jira weeraro cirka iyo dhulkba leh

Did you like this? Share it:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.