Daawo:Musharax Madaxwayne Jubbaland Ciilmooge ayaa Boosaaso si diiran loogu soo dhaweeyey

ciilmiige

Gudoomiyaha Xisbiga Xiis Ahna Musharaxa U Taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Cabdilaahi Ciilmooge Xirsi Oo Magaalada Ganacsiga Puntland ee Bosaaso si diiraan Loogu Soo Dhaweeyey, Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Ciil mooge ayaa waxuu ka qab galay Munaasabadii Caleemo saarka Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Gudoomiyaha Xisbiga Xiis Ahna Musharaxa U Taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Cabdulaahi ciilmooge ayaa safar dhulka kaga soo kici timay Magaalada Garoowe waxaana duleedka Magaalada Boosaaso kaga horyimid Taageerayaal katirsan Xisbiga Xiis iyo qaar kamida shacabka Puntland.

Gudoomiyaha Xisbiga Xiis ayaa uga mahadceliyey Bulshada kala duwan ee Puntland sida wanagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen Magaalada Boosaaso waxaana Magaalada Boosaaso ka dhici doono Kulamo kala duwan oo ay yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Xiis ahna Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.