class="post-template-default single single-post postid-51147 single-format-standard">
Gedo Times

Ciidanka xoogga Dalka oo Isbaarooyin ka qaaday Gobalka Shabeellada hoose

odawaa

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu qaadayay Jid gooyooyin yiillay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ka sameeyay Degmada  Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Howl-galkan oo ay hor kacayeen taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jenaraal, Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakil kale ayaa lagu qaaday Isbaarooyin dhowra oo lagu dhibaateyn jiray Dadka Shacabka ah, iyagoo Gacanta kusoo dhigay Shan ka mid ah Kooxihii ay Jid-gooyada u tiillay iyo Hubkii ay wateen.

Taliye, Odowaa Yuusuf , ayaa sheegay in ay u taagan yihiin difaaca Dalka, isla markaana aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacabka, waajibna uu ka saaran yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa difaacyo cusub ka sameystay degaanno hoos-taga Afgooye, si loo ammaanka guud ee Gobolka iyo kan Degmada intuba.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, ayaa ugu mahad celiyay Saraakiishan uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka, dar-dar gelinta la dagaallanka Kooxda argagixisada Al-Shabaab iyo kuwa ku howlan falalka liddiga ku ah amniga, sida Jid-gooyooyinka iyo boobka Dad weynaha.

Please follow and like us:
error

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial