Daawo:Ganacsato kasocota dalka Qatar iyo wasaarada Tamarta oo heshiisa

qatar

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo hoggaaminaya Maal-gashadayaal Qatar ka socda ayaa si wadajir ah maanta u saxiixday is-afgarad qayb ka qaadanaya horumarinta qaybta tamarta dalka.

Ku-simaha wasiirka wasaaradda tamarta iyo Biyaha, xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay in ay soo dhawayso cid kasta oo maal gashi ku samaynaysa dalka si loo helo koronto tayo leh oo qiima jaban.

Sidoo kale, Wasaaradda Batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda Khayraadka Macdanta iyo Batroolka dalka Qatar ayaa is-faham kale ku kala saxiixday munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi oo madaxa ka ah kooxda maalgashadayaasha Qatariyiinta ah ayaa si wada jir ah u saxiixay is-afgaradka.

Wasiirka wasaaradda, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo maalgashadayaasha Qadar ka socda ayaa ka wada hadlay dhinacyada ay suugaragalka tahay in wasaaaradda laga maal geliyo.

Dhanka kale, Shirkadda Korontada BECO iyo Maalgashadayaasha Qatar ayaa kala saxiixday is-afgarad qorshihiisu yahay in lagu horumariyo korontada dalka

Cabdiraxmaan Cali Jaamac oo ah guddoomiyaha Shirkadda Korontada BECO ayaa is-afgaradka u saxiixay dhanka shirkadda, iyada oo Abdul Aziz Hamad Al Dulaimi uu isna ku saxiixay magaca maal gashadayaasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.