Safiirka Cusub ee Somaliya u fadhin doona Itoobiya ayaa laga gudooyey warqada Aqoonsiga

Safiir

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ethiopia Mudane Ali Sharif Ahmed ayaa maantay oo Taariikhdu tahay 27 December 2018 u gudbiyey Warqada magacaabista (Accreditation Letter) Madaxweynaha Ethiopia Marwo Sahle-Work Zewde. 

Danjire Cali Shariif Axmed Safiirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullahu Farmaajo. 

Sidoo kale Safiirka ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweynaha Ethiopia geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Mudane: Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ethiopia. 

Danjire Ali Sharif Ahmed ayaa xusay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriirka  labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana  sidoo kale Safiirka uu bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa iyo ahmiyada ay u leedahay labada bulsho ee Soomaaliya iyo Ethiopia in la abuuro isdhexgal dhaqaale. 

Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.