Dhaq dhaqaaqa RJA oo Baaq Nabadeed kasoo saaray Dagaalka Gaxandhaale

yusuf

Anigoo ku hadlaya magaca xubnaha dhaqdhaqaaqa RJA iyo magacaga waxaan beelahaha walaalaha iyo deriskaba ah ee ku dagaalamaya degaanada gobolka Galgaduud ee xadka Somaliya iyo DDS ku teedsan uga baaqeynaa in aay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan.

Waxaan ku boorineynaa aqoonyahanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, cuqaasha iyo culumada ka soo jeeda labada beelood ee dagaalamay in aay wax Alla waxii ismaandhaaf ah ee sababay dagaalka si nabada ah uga wada hadlaan, soona afjaraan colaada sokeeye.

Waxaan sidoo kale baaq u direynaa madaxda maamulka galmudug iyo dowlada federaalka Soomaaliya in aay qaataan doorka kaga aadan xakameynta colaadan, kalana dhexgalaan dhallinyarada dagaalameysa.
Waxaan leenahay dadkii labada dhinac dagaalka kaga dhimatey Alla ha u naxariisto. Inta ku dhaawacanteynta Alla ha bogsiiyo.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.