Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda

Shirka Toddobaalaha ah ee tubta arrimaha bulshada oo maanta uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka.
Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallim ee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxar Cadde ee degmada Hiliwaa.
Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo.
Amarka tubta arrimaha bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.