Daawo:Maamulka Cusub Ee Dagmadda Buulaburde oo Xilkii Kala Wareegay Maamulkii Horre.

hirshabele

Ujeedka socdaalka wafdigan ka socday dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa iugu jiray u kuurgalka xaaladaha guud ee degmada Buula burte,nolosha bulshada iyo ka qeybgalka xil wareejinta maamulka cusub ee degmadaasi iyo kii hore.
Guddoomiyaha Degmada Buuloburte Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow ayaa maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay kadib markii loo magacaabay Xilkaan 19/12/2018.
Waxaa Xafkadda Xil wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee hirshabelle, Wasiirka Qarsheynta, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele, Masuuliyiintii hore ee maamulka Degmada buulaburde ,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka, Odoyaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada.
Gudoomiyihii hore ee Degmada Buuloburte Cabdi Daahir Guure ayaa xilka ku wareejiyay Guddoomiayaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cabdicasiis Duurow isagoo xusay in u la shaqeyndoono,sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa uga mahadceliyaya waxqabdka maamulkii ka horeeyey,isagoo ka codsaday shacabku in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.