Akhriso:Fariinta Dhaqdhaqaaqa RJA ee sanadaka Cusub 2019

yuusf

Waxaan guud ahaan ummadda Somaliyeed iyo gaar ahaan reer Jubaland ugu baaqayaa midnimo, iskuduubni iyo iskutashi. Waxaa xaqiiqa ah in horumar, caddaalad iyo maamul wanaag la helayo haddii bulshadu u istaagto in aay danahooda difaacdaan iyaga oo aanan kala qaybsaneen. Waxaa aragnaa abaabulka iyo ololaha qabiilka ku salaysan oo mamulka Kismaayo go’doonka ku ah ku kala dilayo dadka reer Jubaland.
Waxaan idinka digeynaa in aad iyo aad uga foojignaataan colaadaha uu maamulka fashilmay, cagajiidka ah ee calooshooda u shaqeystayaasha Kismaayo ka hurinayaan degaanada Jubaland. Waxaan shaki lahayn in aay Jubaland aad ugu baahantahay isbedel deg deg ah. Waxay caloshood u shaqeystayasha moogyihiin in ummadda ku dhaqan Jubaland leedahay xadaarad iyo ilbaxnimo aad u facweyn. Sidaa darteed kuwa isku doonaya in aay iska horkeenaan kuma guuleysandoonaan.
Balse, isbedelkaasi ma noqondoono mid dagaal iyo colaad ku imanaya ama lagu horjoogsankaro ee waa mid kacdoon nabadeed, doorasho cadaalad u dhacda iyo rabitaanka shacabka ku imandoona. Waxuu noqondoonaa mid dhammaan hayadaha tastuuriga ee maamulgoboleedka Jubaland iyo kuwa dowlada federalka, ciidanka JL iyo XDS, ururada bulshada, guudahaan shacabka Jubaland iyo cid kastoo daneysa arrimaha Jubaland ka helidoona soo dhoweyn iyo taageero buuxda.
Ma dhacayso in maamulka gebiga ka lusha uu majara habaabiyo masiirka, himilada, higsiga, wada noolaashaha iyo midnimada shacabka walaalaha ah ee Jubaland. Waa hubaal in guusha raacidonta isbedeldonka, guuldaradana caloshod u shaqeystayasha .
Idam ALLA sanadka 2019, ha noqdo mid isbedel kheyrqaba, raynrayn, guul iyo midnimada guud ee Somaliyeed xambaarsan.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA
Fariinta nabada iyo midnimada ee RJA:

Farriinta dhiilada iyo colaada maamulka JL:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.