Masuuliyiin iyo Xildhibaan Ku Dhaawacmay Qaraxii Muqdisho

qarax

Faah-faahino ayaa laga halayaa qarixii Maanta ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Magalada Muqdisho Gaari lagu soo xiray wayxbaaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu weeraray kolonyo uu la socday Maxamed Cabdulaahi Tuulax oo ah Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka iyo Siyaasada gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay in qaraxa uu dhaawac fudud uu kasoo gaaray Gudoomiyaha balse ay ku dhinteen inta badan Ilaaladiisa, Dhaawaca gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka iyo siyaasada ayaa lagu daaweenayaa goob caafimaad, waxaana inta badan la waayay oo dhintay ilaaladii la socotay gaariga uu saarnaa oo la sheegay in uu ahaa nuuca aan xabaduhu karin.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxaan ka dhacay Tiyaatarka Qaranka uu ku dhaawacmay Xildhibaan Warsame Joodax oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.