Daawo:Golaha Wasiirada Soomaliya ayaa soo dhaweeyey Doorashada Madaxwaynaha Koonfurgalbeed

Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka iyo Soo dhawaynta doorashada Madaxwaynaha koonfurgalbeed.

Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed sida ay uga qayb gaateen taabba gelinta doorashada, waxa ayna sidoo kale hambalyeeyeen madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay u rajeeyeen in uu ku guulaysto mas’uuliyadda horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed iyo qaybta uga aaddan horumarka guud ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.