Daawo:Mooshinka Layaabka Leh iyo Xasarada uu dalka ka abuuray ee ay wadaan ardaydii iyo Kibirkii Korneyl Gabre

Gabre

Khamiis 13, 2018 Aan ku bilaabo maahmaahdaan dhahaysa (BAROORTU ORGIGA KA WEYN),haddaba akhristayaal iyo dadka Soomaaliyeedoow aan idin xasuusiyo in mudo laba asbuuc ka hor Maadaxweynihii hore ee dalka Lubnaan shir jaraa,id uu qabtay khudbad uu ka jeediyey ku xusay in dhawr jeer uu fashilmay shirqoolo lagu afgambiyi rabay madaxweyne Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (FARMAAJO),islamarkaasna sii sheegay in sidii ka dhacday Dalka Masar lala damacsan yahay in madaxweyne Farmaajo lagu afgambiyo hadda la wado ,wixii hawshaas ka fuliyey Masar haddana Soomaaliya ku hawlan uu sheegay in ay tahay dawlada Emaraadka Carabta.

Aan ayadana idin xasuusiyo in Soomaaliya todobada qaybood oo loo qaybiyey wadada loo maray ahayd Khliijdaka oo Emaaraadku hormood u yahay iyo Tegreey, frasamayaqaankuna ahaa Macalin Korneyl Gabre oo arday iyo Kabiirkood ku dhaafay Soomaaliaya.

Aan idin xasuusiyo in ayyada oo dawladaan maalmo kooban shaqeyneysay Neyroobi lagu diyaariyey Mooshin oo uu fashilmay,intii ka denbeysayna mooshinkaas taagnaa bilwalba mar kastana fashil ku dhamaanaayey,kana uu yahay mid waqti badan iyo dhaqaale badan la geliyey oo si xishood la,aana,axmaqnimaa iyo cadawtinimo meeshii ugumndenbeysay ah loo soo abaabuley in ama dawlada la rido ama dhibaato ayyan ka soo waaqsan iyo hawl curyaamin lagu sameeyo,
UJEEDADA;-sida muuqata waa in Soomaaliya todoba meelood loo qaybiyo,lix calan baa u taagan Muqdoshow oo baalaha laga rifay baa calanklii Buluuga ahaa ku haray,ayyadaduna waa gobonimadoon oo waxay u taagan tahay maqaamka gobolada kale heleen baan rabnaa,qorshaha Emaraadka iyo ardaydii Macalin Korneyl Gabre ay hadda wadaana waa sidaas(WAXAASI WAA FARDO OO LAYSUMA QARIYO),Soomaaliyee lag Idaad dheelalaabo ha ku cunina oo yaan dib laga shalayn,(TALADU WAA MAR AAD HELIWEYDO IYO MAR AAD GAARI WEYDO).Inta goori goor tahay ardayda macalin Korneyl Gabre oom u muuqata ogoon abbahood dhintay u ooyeysa yey god idin ku ridin ayyan ka soo bixi Karin.
MXAY DIIDAN YIHIIN;-1-Siyaasadii dibada oo meelihii ay ka kaluuman jireen laga soo xiray.
2-Nabada geeska afrika oo caalamka iyo dwaladaha Igad soo daweeyeen.
3-Lix bilyana oo deyn ah oo doolar oo bishaan dhamaadkeeda nala ka cafinaayo.
4-Dhaqaa;laha dakhliga canshuuraha oo koraaya bilwalba oo ah meehsa dawlad burburtay ka soo kabato.
5-Dawladii oo khilaaf dhexdeedaa la waayey oo isku duubni um wada shaqeyneysa.
6-Mashaariic waaweyn oo dalka ka socota oo bilow ah oo dekedo iyo kuwa kale oo muhiim ah jiraan.
Dardaaran shacbiga ayaa talada iska leh doolarqaate,shisheeye iyo qaa,inu wadan dalka malaha ee dalka badbaadsada,musuuliyada koowaad waxay saran tahay culimada iyo dhalinyarada,war ogaada dal waxaa lagu hormariyaa dhaqaale,xoog iyo aqoon mideysan,ma u maleyneysaan in aad soo kabanaysaan idinka oo saddex arrimood oo aan kor ku sheegay todoba meelood la idiin qaybiyey in aad soo kaban doontaan?jawaabta idinkaan idiin daayey Soomaaliyeey!
Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale Farax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.