Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka warbixiyay Guulo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

indho

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa diyaariyay qorshe cusub oo nabadiidka Al-Shabaab dalka oo dhan looga saarayo.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa tababaro ciidan uu u dhamaaday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasi oo tababarka lasiiyay la baray la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbiyay howlgallada ka socda Gobolada dalka, isagoon ciidamada xoogga dalka kula dar daarmay in ay si hagar la’aan ah ay u gudtaan Howlgalka dalka looga sifeynayo cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabab.
Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa waxaa uu ka hadlay dilalka qorsheysan ay Nabadiidka ka geysanayaan gobolada dalka, kuwaasi oo uu sheegay in lala bartilmaameysanayo dadka shacabka.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Tilmaamay in nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyay goobo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka, isagoo intaa ku daray in dhawaan dalka oo dhan laga saari doono Argagixisada Al-Shabaab.
Ugu dambeytii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in la kordhiyay tababarada iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, si ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.