Top News:Gudoomiyihii Barlamaanka Jubbaland oo Axmed Madoobe Xayirad kusoo rogay

jubaland

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku meel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan loo diiday inuu safar xaga cirka ah kutago magaalo Madaxda Somaliyeed ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa safar shaqo iyo Caafimad isugu jira waxuu ku tagi lahaa asaga iyo Xildhibaano kale Magaalada Muqdisho, Waxaana Diiday inuu Garoonka Ka dhoofo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha Jubbaland axmed madoobe ayaa waxuu horay Xanibaad usaaray xildhibaanada Jubaland ee wali ku harsan Magaalada Kismaayo kuwaas oo laga hor istaagay deegaanadii laga soo doortay inay Booqdaan, qaar kale oo katirsan Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxaay u fakadeen Madaalada Muqdisho Halkaas oo iyaga iyo shacab badan oo isugu jira Aqoonyahano, Oday dhaqameed, dhalinyaro iyo wariyaal laga Masaafuriyey Magaalada Ksimaayo ay kusugan yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.