Daawo:Heshiis Hor dhac ah oo ay maanta wada gaareen Beelaha Degmada Balanballe iyo Guriceel

balanbal

Waxaa Maanta Heshiis horu dhac ah laga gaaray xiisadii sabatay Dhimashada 4.ruux oo 11 kii bishan November ka dhacday Deegaanka TURBI ee duleedka Degmada Blanballe.
Hehiiskaan oo ay si wada jira oga shaqeeyeen Gudiga Xasilinta, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Qaybta 21.aad, iyo Talisyada Ciidamada NISA iyo Galmudug, Ugaasyada, odaayaasha dhaqanka labada dhinac, Cullumaa’udiin iyo bulshada Magaalooyinka Balanbale iyo Guriceel, waxaana ka soo baxay qodob dhawr ah oo ay kamid ahaayeen.
1- Xabad Joojin Rasmi ah oo ay laga hir galiyo Deeganka
2- In la kala diro Maleeshiyaadka laba dhinac ee dagaalamay, deegaankana ku wada sugnaa.
3- In loo asteeyay inta u dhaxeeya Degmada Balanballe iyo Guriceel Deegaan ka caagan qaadashada Hubka laga bilaabo 1/12/2018.
4- In lagu diyaariyo Gogosha Dhamaystirka Heshiiska 10.bari Waxaana lagu balamay in laqabto 10/12/2018 waxaana lagu baaqay in laga dhigo Magaalada Guriceel.
Markii ay soo baxeen qodobada laga gaaray Colaada waxaa aqbalay ugaasyada labada dhinac, Ugaas Axmed Barre Cali (TAAKOOY) iyo Ugaas Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur
Ugu Dambayn Taliyaha Ciidamada Qaybta 21,aad Jeneral Cabdullaahi Aadan Xuseen CIRRO ayaa Balan qaaday Fulinta heshiiska ay gaareen labada dhinac
Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.