Ardaydii Kornayl Gabre iyo Kabiirkoodii oo qorshe Fashil ah ka Bilaabay Kismaayo

Gabre

(WAR HELAA TALO HELA).Waa hubaal wax kasta in ay leeyihiin cadaw ee Alle koonkaan ku dhex abuur,laakiin waxaa wanaagsan oo looga badbaadaa inta aan cadawgu ku waxyeelayn in warkiisa iyo xogtiisu kuu soo hormarto,markaas bay fududaataa in laga gaashaanto si looga badbaado waxyeelo uu kuu geysto.

Haddaba ahristayal waxaa nasiib wanaag ah in Korneyl Gabre ardaydiisii iyo kabiirkooda Xassan Shiihk Maxamuud yihiin cadaw dalka iyo dadka Soomaaliyeed leeyihiin,waxaase nasiib wanaag ah in shacbiga Soomaliyeed si weyn uga dheregsan yihiin(NIN CIID KUGU SHUBAY CALOOSHIISA BUU KU TUSAY EE WAXBA KUUMA DHIMIN),taas waxaan uga goleeyahay shirka saddex geesoodka ah ee ka dhacay Kismaanyo ee dhex maray ardaydii Korneyl Gabre xubno ka mid ah ee xildhibaanaa iyo kabiirkooda Xassan SH Maxamuud ,Imaaraadka wafti ka socday iyo Axmed Madoobe oo martigeliye ahaa,sow uma eka in dawlada iyo dadka Soomaalkiyeed ay ciid ku shubeen oo calooshooda na tuseen waxna aysan noo dhibi Karin, ileyn in ay yihjiin cadawga ummadda Soomaaliyeed waan ogeyne,sidoo kale la socda meel kale oo lala aado in dawlada Soomaaliya, dalkeeda iyo dadkeeda lagu dhibaateeyo way soo oodantay waxaa hadda furan Kismaanyo iyo Garoowe,waxaanse sugeynaa shacbiga ku nool sida ay arintaas uga jawaabaan,maadaama aan ognahay in kuwa u gacan haadinaaya cadawga ummada Soomaaliyeed ay ka mid yihiin kooxdii ardaydii Korneyl Gabre.

Haddaba maahmaah ba ahayd (DIBIGA INA NAASA ADAG IYO LABADA WEER MAXAA KULMIYEY).Dulucdu waxay tahay ardayda korneyl Gabre oo labada oday ee Kismaanyo iyo Garoowe ka midka yihiin,Korneyl Gabre iyo Imaaraadka Carabta waxay horey uga shaqeeeyeen dhagar iyo hagardaamooyin aan la soo koobi Karin kuna qasbaysa in ay wada shaqeeyaan,waxayna arintu la gashay hadayna dawlada dumin in ay mar dhaw dabin ayyan ka bixi Karin ghalayaan,waayo;-

1-Korneyl Gabre waa la xiray oo asagu gacan buu ku jiraa iyo ragii tegreeyga ahaa oo dhibaatada Soomaalida kala shaqayn jirey,nacaybkii iyo colaadii Itoobiya iyo Soomaaliya neecaw nabadeed baa soo ifbaxaysa, waxaana soo socota in ay ka shifmaan. wixii qaa,inu wadan ahaa ee la shaqayn jirey.
2-Imaaraadka carabta XFS waxay laba todobaad kahor ka gudbisay dawcwad ku saabsan in ay duulaan qaawan ku soo qaaday Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya,damacii ay kalahayd Soomaliya baa halkaas ku rajabeelay.

Haddaba labadaas arimood oo naflacaariga ah waxay isku kaashanayaan in ay dumiyaan qaranka Soomaaliyeed geed dheer iyo mid gaabanba waa u fuulayaan,waa danleey aan cidna u diirnaxayn qaranka toodaa uga weyn .Waa halkii la oran jirey (IL RIBIX ARKAYSA RIXIN MA GARATO).Isku soo wada duub mar haddii intaas noo cadahay waxaan Jawaabta ay mudan yihiin u deynayaa akhristayaasha iyo Soomaaliweyn,dadka Jubaland iyo Puntiland waxaan uga digayaa in magac xumo ayyan lahayn una qalmin dusha loo saarin si gaarana indhaha ku hayaan arintaan,(WAA LA DOOGIYI YAAN LA DACAROON).
Wabilaahi Towfiiq,
Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

jim

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.