Sawiro:Masuuliyiin ka tirsan Dawladda oo Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyey Maxaabiis laga soo daayey dalka Uganda

mxaabiis

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta garoonka Aaadan cade ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay Lix Muwaadiniin Soomaali ah oo tan iyo 2014-kii ku xirnaa Dalka Uganda waxaana sii dayntooda ka dambaysay Dowladda Soomaaliya.

Muwaadiniintan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku Guuleysatay in boqolaal dhalinyaro ah ay ka soo deyso Dalalka Itoobiya, Indiya, Siishelis iyo Liibiya, waxaana ay sheegtay in ka shaqeyneyso siddii ay dalka ugu soo celin lahaayeen dhalinyaradda kale ee wali ku xiran dalka dibadiisa.
maxaabis

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.