Madaxweynaha Soomaliya iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika oo kulmay

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano(Africom) Janeraal Thomas Waldhauser iyo Saraakiil kale ayaa waxay soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay danjiraha Cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Mudane Don Yamamoto.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee africom loo yaqaano ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Usa

Waxaana Kulankaas looga hadlay sidii ciidamada mareykanka ee soomaaliya jooga ay taageero lixaadleh kaga siin lahaayeen dowladda soomaaliya dhanka la dagaalanka al shabaab iyo sida looga saari lahaa deegaanada ay kaga suganyihiin dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.