Muuqaal:Wasiirka Cadaaladda Soomaliya oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo sharciga

wasiir

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka billaha ee sharciga adeega kaalmada dalka,waxaana ka qeyb galay xubno ka socday Hay’adaha kala duwan ee Garsoorka dalka.
Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Shirka maanta u furay bahda cadaaladda dalka,isagoona kula dar daarmay in ay si hufan uga doodaan qodobada muhiimka ah ee horyaala, isla markaana laga soo saaro dood muhiim u ah Garsoorka Wasaaraduna ay dhageysan doonto.
“Shirkaan aan bishiiba mar iskugu imaano waxaa looga hadlaa kaalmada sharciga waxaad halkaan u joogtaan inaad ka doodaan barnaamijkaas iyo tayeynta guud ahaan hay’adaha cadaaladda dalka, wasaaraddu waxaa ay dhageysan doontaa doodaha aad keentaan” ayuu yiri Wasiir Xuseen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.