Raiisal’wasaare Kheyre oo kormeeray ciidamo Tababar uga socdo Muqdisho

Khayre

Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeraray xarumo ku yaala magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu diyaarinayo ciidamo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan ammniga.

 

Ciidamadaan oo ah dhalinyaro u istaagay inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin tababarka ay ku jiraan, sidoo kalana ay doonayaan markii ay dhamaystaan inay u adeegaan ummada Soomaaliyeed.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kula dardaarmay ciidamadaan inay si wanaagsan u dhamaystaan tababarka, isagoo sidoo kale saraakiisha ku dhiira galiyay inay la socdaan xaalada dhalinyaradaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.