Alshabaab oo cunaqabatayn saaray Degmada Baladxaawo

Shabab

Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Al Shabaab go’doomiyeen Magaalada Baled Xaawo oo gaadiidka xamuulka ee Magaaladaasi galaya iyo kuwa ka soo baxaya labadaba amaro kala duwan ay dul dhigeen.

Dadka ku nool Magaalada Baled Xaawo, ayaa muujinaya walaac xooggan oo ku aadan xaaladan ku soo korodhay Magaaladaasi iyo go’doominta Shabaab ay go’doomiyeen Magaalada Balad Xaawo.

Xayiraadaan Alshabaab ay saareen magaalada Baladxaawo ayaa timid kadib markii Maamulka Degmada Baled Xaawo ayaa fuliyeen awaamiir ay horay u soo saareen oo la xiriirtay in Magaaladaasi ay isaga baxaan Xaasaska Shabaab iyo carruurtooda.

Wararkeena dambe kala socda warar dheerad ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.