Shariif Xasan oo is casilay Kadib Imaashihii Wasiirka arimaha Gudaha Soomaliya

shari

Madaxweynihii maamul goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta si degdeg ah isaga casilay xilkii madaxweynenimada. Wuxuu kaloo sheegay inuu ka haray tartanka madaxweynenimada ee maamul goboleedkaas oo lagu waday inuu qabsoomo 17ka bishan.
Qoraal is casilaaddiisa uu ku caddeeyey ayuu ka soo saaray magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay inuu go’aankaas u qaatay sababo la xiriira “xaaladaha ka dhex jira dawladda dhexe iyo maamul goboleedka koofur galbeed”.
Arrintan ayaa ku soo beegantay ayadoo uu magaalada Baydhabo tegey wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya , hase yeeshee todobaadyadii u dambeeyey waxaa sii xoogaysanayey farqiga u dhaxeeyey dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe ee federaalka.
koonfur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.