Ciidamada Amisom oo afar qof shacab ah ku dilay Magaalada Muqdisho

amisom

Kolanyo ka mid ah ciidanka Amisom oo maraayay Suuqa Xoolaha ayaa waxaa uu qarax Miino qabsaday mid ka mid ah gawaarida ay wateen, intaas kaddib rasaas ayey la dhaceen Maqaayad ka dhaweyd goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana ka dhashay dhimashada 4 qof iyo dhaawac saddex kale.

Intaas kaddib waxaa Xaafadda Suuqa Xoolaha ka billawday banaanbax ka dhan ah Ciidamada Amisom, kaas oo ay dadka deegaanka uga cabanayeen dhibaatada Amisom ay ku heyso dadka rayidka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.