Daawo:Muqdisho Nin Jareer wayn ah oo loodilay Gabadhanada Ma Guursan kartid

axmed

Magaalada Muqdisho gaar ahan xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ka dhacay Dil fool xun oo ka yaabiyey Shacabka Soomaliyeed, Allaha Unaxariistee Marxuum Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxaa lagu weeraray Goob Ganacsi oo u kulahaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxana dilkiisa loo adeegsaday Baangado kadibana dab ayaa la qabadsiiyey.

Allaha Unaxariistee Marxuum Axmed Muqtaar Saalax oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa waxaa mudo saddex bilood ka hor uu gabar u doonay Wiil oo Adeer u yahay, waxana siiyey Gabadha Abaheed balse sida la sheegay waxaa u diiday Gabadha Hooyadeed iyo Walaalaheed kuwaas oo Maanta ku weeraray Garaashkii uu joogay.

Marxuun Axmed Muqtaar ayaa waxaa uu ifka kaga tegay 12 Carruur ah uu uxamaali jiray waxaana kaloo Ciidan u ahaa Aabhihii oo da’ah, dadkii dhibka gaystay ayaa ilaa iyo hada lasoo qaban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.