Daawo:Gaas oo booqday Qabriga Shiikh Cabdiraxmaan shiikh ismaaciil Daarood

darood

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa booqasho ku tagay qabuurta Sheekh Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir oo ku aasan Deegaanka Haylaan ee Gobolka Sanaag.

Booqashada qabuuraha Sheekh Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland ku wehelinayey qaarkamida goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland, nabadoono iyo qaar kamida waxagardka Gobolka Sanaag.
Dhinaca kale Sheekh Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Dir ayaa waxaa ka farcamay qaarkamida Soomaalida ku nool daafaha caalmka waxayna noqonaysaa booqashadan uu madaxweynaha Dowladda Puntland ku tagay mid taarikhi ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ugu horreyn booqday qabriga Sheekh Daarood Ismaaciil ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay qaar kamida culumada gacanta ku haysa qabriga Sheekh Daroood wuxuuna ka xog wareestay xalada guud ee deegaanka, isla’markaana madaxweynaha ayaa u duceeyay Sheekh Daarood Ismaaciil inuu janadii fardowso Alle ka waraabiyo.
Ugu danbeyn Madxaweynaha Dolwadda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday qabriga Doonbiro Dir oo ahayd xaaska awoowe Sheekh Daarood Ismaaciil oo meel saa aan uga fogeyn Qabriga Sheekh Daarood ku aasan isla’markaana Madaxweynaha ayaa u duceeyay ayeeyo Doonbiro Dir in janadii Fardowso Alle ka waraabiyo.
Xigasho warbaahinta Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.