Dhagesyo:Kismaayo Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland oo ka Tacsiyadeeyey Askarti Kudhimataya Duleedka Kismaayo

askar

Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee maamul jubbaland ayaa waxaa qarax loo dhigay Askarta Ciidamada Jubbaland qaraxaas oo sababay qaasaro dhimasho, Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed “deeq Faandhe” ayaa waxuu Tacsi udiray Shacabka Jubbaland Gaar ahan qoysaskii iyo eheladii ay kabaxeen Askartii ku dhimatay qaraxii ka dhacay inta udhaxaysa Cabdille Biroole iyo Magaalada Kismaayo waxuuna ilaahay uga baryey in dambigooda dhaafo ehehladii ay kabaxeena Samir iyo iimaan kasiiyo.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu ku cambaareeyey Madaxda Maamulka Jubbaland ee ugu horeeya Axmed Madoobe intay ka tacsiyadeen lahaayeen Askartii Qaraxa lagula eegtay Duleedka Kismaayo ay ka door bideen inay qariyaan dhimashadooda loona diiday in laga tabiyo warbaahinta Jubbaland.

Waxaa Kaloo Musharax Deeq faandhe sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Axmed madoobe ku Mashquulay Dowlad baa igu soo duushay iyo dad bay igu abaabushay halka uu tacsida iyo tiiraanyada la qaybsan lahaa Waalidka iyo eheladii ay kabaxeen Askartii ku dhimatay Qaraxii ka dhacay Duleedka Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.