Dhagesyo:Liyuu Boliis kismaayo lagu soo dal dalayo iyo Kenya oo lagu eedeyey inay iska qaadato dhaqalaha Dekada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa sooo gaaray qaar kamida Ciidamada Liyuu boliiska ee is maamulka Soomalida Itoobiya kuwaas oo burbur ku yimid kadib markii xilka Laga qaaday Madaxwaynihii hore ee Cabdi Maxamed.

Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed warsame “Deeq Faandhe” oo warbaahinta la hadlaayey ayaa waxuu sheegay Ciidamada Liyuu booliska ee degaanka Soomalida itoobiya in ay Diyaaradaha Kenya kasoo qaadeen Magaalada mandera ee Dalka Kenya kuwaas oo kasoo Gudbay Xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Itoobioya, Ciidamo kale oo katirsan Booliiska ismaamulka soomalida Itoobiya ayaa ayakoo Dhunsan waxaa lagu arkay gobolka Dhexe waxayna doonayeen inay u socdaalaan Magaalada Kismaayo ayuu Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe yiri

Musharax Deeq faandhe ayaa waxuu Cambaareyey Dilalka Ciidamada kenya kawadaan Jubbaland iyo deegaanada Kudhow waxaa kalo Kenya ku eedeyey inay dhaqaalaha Dekada Kismaayo kasoo baxa ay Kenya iska qaadato kadibna qaar ugu deeqdo maamulka fadhiidka ah ee ka arimiya Magaalada kismaayo.

Ugu dambayntii Musharaxa Deeq faandhe ayaa waxuu dowlada Soomaliyeed ugu baaqay inay wax ka qabato Duulaanka Kenya iyo Ciidamada Liyuu Booliska ee lagu soo daldalayo Magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.