Daawo:Wasiirka Maaliyada Soomaliya Ayaa sheegay in Daqliga Dalka kordhay

asiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beylah ayaa Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Beylah ayaa sheegay in Lexdii Bil ee la soo dhaafay Dakhliga dalka uu kordhay isla markaana uu gaaray 58% marka la barbardhigo sanadkii lasoo dhaafay, isagoo guul ku tilmaamay in markale lacagtii IMF ka dooneysay ay keeneen in ka sareysa.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, isagoo dhanaca kale u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.