Muuqaalo:Bananbax looga Soo Horjeedo Axmed Madoobe laguna taageeraya Gudoomiyaha Baardheere oo ka dhacaya Gedo

BBARDHEERE

Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee gobolka Gedo Cabdulaahi nuur Xasan Cadow ayaa waxa uu ka dhiidhiyey Dhibaatada joogtada ah ee Axmed madoobe ku hayo shacabka Jubbaland Taas oo ay kamid yihiin dilal joogta ah, Masaafurin iyo Caburin lagu hayo shacabka Ku sugan Magalada kismaayo,

Gudoomiyaha Baardheere ayaa waxuu dhaliilay in lacagihii deeqaha ahaa iyo kuwii Horumarinta ee loogu talagalay gobolka Gedo Axmed madoobe dhunsaday, Gudoomiye Cabdullahi ayaa ku baaqay dagaal ka dhan ah Axmed madoobe.

Hadaba Hadalkaas kasoo Yeeray Gudoomiyaha Baardheere ayaa waxaa taageeray soona dhaweeyey Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed “Deeq Faandhe” asagoo ku amaanay Gudoomiyaha Baardheere sida wanagsan ee uga dhiidhay una diiday Dulmiga uu Axmed madoobe ku hayo shacabka Jubbaland gaar ahaan kuwa Gobolka Gedo.

Musharax Deeq faandhe ayaa waxuu ugu baaqay Shacabka Jubbaland inay qabtaan banaanbax ka dhan ah Axmed madoobe laguna taageerayo Gudoomiye Cabdullaahi Xasan Nuur Cadow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.