Axmed Madoobe oo Raali galin ka bixiyey ka maqnaanshihii shirkii Dastuurka looga hadlaayey ee Muqdisho ka dhacay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada aqal ee golaha shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Raali galin ka bixiyey ka maqnaanshihii Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib u eegista Dastuurkaya Soomaliya oo 13 ilaa 15 May 2018 ka dhcay Magaalada Muqdisho waxuuna sabab uga dhigay in fikir qaldan ay kasiiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbland.

Ugu dambayntii Madaxwaynaha Jubbaland ayaa labada gudi kula dardaarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka sidoo kalena laga feejignaado in Dastuurka Soomaliya dib udhac ku yimaado dhamystirkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.