Gudoomiye Muudeey Oo U Yeeray Xildhibaanada Maqan Si Cod Loogu Qaado Mooshinka

muuday

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey oo Maanta Warabahinta kula hadlay Muqdisho ayaa u yeeray Xildhibaananda dalka dibadiisa ku maqan iyo kuwa fasaxa ku maqan in ay soo xaadiaran.

Wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo illaalinta iyo midnimada Golaha Shacabka, maadaama Xildhibaanka uu yahay masuul qaran

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Xildhibaan walba ee fasaxa ku maqan uu ka qaaday isaga oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku xigeenka

“Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog iyo meel soke kuwa joogaba si ay u gutaan waajibaadka Dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku xigeenka.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya, mooshinkaasi oo la qorsheynaayo in la horgeeyo Baarlamaanka dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.