Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii kutimid alle haa u naxriistee Jeneraal Moogan
Waxaan ugu tacsiyeynayaa Ehelka, Qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle Ha-U-naxaristee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo ku geeriyooday Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya
Allah ha u naxariisto Jeneral Morgan ayaa kamid ahaa saraakiishi ugu sarreeysay Dowladii Kacaanka isagoona lagu xaauusto doorkii uu ku lahaa dadaalada dib loogu dhisayey Ciidamada Qalabka Sida.
waxaan Alle uweydiinayaa in hoygiisa uu ka yeelo janatul firdowsa ehelka iyo qaraabadana samir iyo iiman uu ka siiyo.
Leave a Reply