Sawiro:Madaxweynaha Hirshabeelle oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cade Airport kusoo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya sida Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, qaar kamid ah Senatorada cusub ee dhowaan lagu doortay Magaalada Jowhar, Xildhibaano Golaha Shacabka,  Xubno isugu jira labada gole ee Dowlada Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Bahda fanka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweeyntii diiraneyd ee loo sameeyay isagoo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.