Ciidamada Xooga Dalka Somaliya oo lawareegay Deegaano Cusub

dagaal

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta maleeshiyada Al-Shabaab ka xoreeyay deegaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Kaddib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen maleeshiyada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, ayay ciidanka komaandooska DANAB ee Xoogga Dalku ku guuleysteen in ay deegaanka Sabiib ka eryaan Al-Shabaab.

Ciidanka Xoogga ayaa gacanta ku soo dhigay tiro ka tirsan maleeshiyadii u dagaallameysay argagixisada Al-Shabaab.
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari booyad ah oo argagixisadu u diyaarinayeen in ay ka buuxiyaan walxaha qarxa, kuna wax-yeelleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidammada Qaranka ee dalkeenna, ayaa ku howlan in ay cadowga ku baacsadaan goobaha ay ku harsanyihiin, si aysan u helin gabaadyo ay ka soo abaabulaan falalkooda argagixisonimo.

Dowladda Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay argagixisada ka xoreyso goobaha ay dalka uga harsanyihiin, si bulshada Soomaaliyeed ugu naallooto Nabad iyo Xasillooni waarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.