Garoorashaasha cusub ee maxkamadda sare ee dalka oo xilkooda loo dhaariyey

garsoor

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa dhaariyay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka ee uu 5-ta bishaan uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Cadaaaladda ,taliyaha Ciidanka Asluubta iyo guddoomiyeyaasha Maxkamadaha dalka.
Salaax Sheekh Ibraahin oo ka mid ahaa Garsoorayaashi maanta la dhaariyay ayaa ka codsaday in bahda garsoorka si dhaw ula shaqeeyaan, islamarkaana uu balan qaaday in ay si cadaalad ah Ummada ugu shaqeynayaan.

Wasiirka Cadaalada Xukumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in la qorsheynayo sidii loo dhisi lahaa Golaha Adeega Garsoorka Dalka.
“Waa Muhiim in la dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo qeyb weyn ka ah Hay”adaha Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka”ayuu yiri Wasiirka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa ku dar daarmay in s bulshadu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka dalka loo baahanyahay in la muujiyo fur furnaan iyo Daacadnimo.
“Si Bulshadeenu ay ugu kalsoonaadaan Hay”adaha Garsoorka waxaa loo baahnyahay in lala yimaado daacadnimo iyo Fur furnaan” ayuu yiri guddoomiyaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.