Daawo:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray Saldhigga Degmada Boondheere

yariisow

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Saldhigga degmada Boondheere oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, waxana munaasabadda xarig jarka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada Boondheere iskutashiga ay sameeyeen ee lagu dhisay saldhigga iyo sida ay diyaarka ugu yihiin horumarinta degmadooda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad Ameeriko ayaa boggaadiyey wada shaqeynta ka dhaxeysa Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha ammaanka, isagoo xusay in dhismaha saldhigga degmada Boondheere tusaale u yahay isku xirnaanta shacabka iyo maamulka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.