Madaxwaynaha Puntland oo Sheegay Puntland Ma Ooydo ee Waa Aarsataa

gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 June 2017 si rasmi ah u furay kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Puntland, Furitaanka Kalfadhigani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenkiisa koowaad, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Dastuurka DFS, hay’addaha ka hawlgala Puntland, xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS, Masuuliyiin ka socdey beesha caalamka, hay’addaha ka hawlgala Puntland, gudoomiyaha daladda PUNSA, ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, Isimo, cuqaal, waxgarad, Aqoon yahano iyo marti sharaf kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.