Maqaal : Dadajinta Doorashada Galmudug Ma Xalba Mise Kala Fogansho Horleh ? W/Q: Ibrahim Abdishakur #Ali_Mire

Dhamaadki bishi Febraayo ayeey ehed markii uu is casilay Madaxweynihi Galmudug Mudane Cabdikarin Xusen Guled sababo caafimad owged , wixi xiligas ka dambeyay waxa ku simaha Madaxweynaha aha Madaxweyne ku xigenka maamulkasi Maxamed Xashi Cabdi Carabey.

Sida uu qabo dastuurka Dowlad Goboledka Galmudug , hadi Madaxweynaha geeriyodo mise is xilka iska casilo ama baarlamanka kalsonida kala noqdan waa in Madaxweyne cusub lagu so doorta 30 cisho gudaheed.

Raisul wasaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre aya todobadki laso dhaafay warqad u qoray Baarlamanka Galmudug isago codsanayo in doorashada dib loo dhigi si loo helo Madaxweyne Iyo maamul eey ku qanacsan yihin kuna mideysan yihin shacabweynaha Reer Galmudug Si halkasi loogaga bixiyo dal-dalolki ku dhex jiray bulshada Iyo siyasiyinta kaso jeedo maamul goboledkasi

Nasiib daro Baarlamanka Galmudug wexey isku raacen in doorashada Madaxweynaha la qabto 10ka April iyago ku doodayan ‘dastuurka wuxu qaba 30 cisho in Madaxweyne lagu doorto’. Akhriste waxa Xusuusin mudan in madaxweynihi Galmudug Cabdikarin Xusen Guled uu xilka iska casilay 25ki Bishi February 2017 , baarlamankana wexey sheegen in doorashada la qaban doono 10k April. Labadas waqti waxa u dheceyso in Ka badan 40 cisho , sidasi ayeeyn u dhaaftay 30 cisho marka Baarlamanka wexey ku doodayan waa Dan siyaasaded Oo gaar eh Ma ahan mid dasturi mise rabitan shacab.

Akhristayal sidad la socotin maamulka Galmudug waxa caqabad weyn ku aha maamulka la magac baxay gobolada dhexe ‘ex ahlusunna wal’jamea’.
Madaxweynaha maamulkasi Sh Maxamed Shakir aya maalinti shaley soo saaray waraqad codsi uu u qoray Baarlamanka Galmudug isago Soo jeediyay in doorashada Dib loo dhigo sidi ahlusunna kaalinteda ugaga qaadato buuga wada-hadalkana lo furo.

Maxa Ka dhalan karto hadi doorashada la dadajiyo ? Waxa hubaal eh hadi Baarlamanka Galmudug eey ku adkeystan in eeysan tixgalin codsiga Dowlada dhexe , Beesha caalamka Iyo maamulka ahlusunna in eey Noqon doonto ‘jug jug meeshada joog’.

Talo So jeedin Iyo gunaanad, aniga oo eh muwaadin Reer Galmudug , deeganada maamulkana Xog-ogaal u eh , dareemayana sidey u fikirayan siyasinta Iyo bulshada ku mideysan maamulkasi , si hoose na ugaga warqabo siyasadaha is-diidan ee ka taagan gobolada dhexe waxan soo jeedinaya in doorashada Galmudug Dib loo dhigo si labada maamul Galmudug Iyo Ahlusunna eey buuga wada-hadalka u furan si loo helo dowlad hanato dhamaan deeganada eey ka kooban Tahay Galmudug. Ugu dambeynti waxa ila gudbin in Dowlada Federalka Soomaliya eey garwaden Ka noqoto doorashadan , dhexdhexad na Ka ahato Siyasadaha is-diidan hubisana midnimada shacabweynaha Reer Galmudug Iyo dowladoda .

Guul , Nabad Iyo Mustaqbal Wacan Galmudug
Ibrahim Abdishakur Ali Mire
Guddomiyaha ururka KGG / Siyasi Madax Banan
London , United Kingdom
email : ibrahimmire2@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.