Madaxweynaha Soomaliya oo Mar Kale Dalbaday in La Ansixiyo Golaha Wasiiradda

Madaxweynaha Soomaliya Maxamaed C/laahi Maxamed Faramaajo ayaa mar kale ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya iyo aqalka Sare in ay codka kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub ee uu dhisay R/wasaare Xasan Cali Kheyre maadaama dalku haatan uu ku jiro xaalad adag loona baahanyahay waxqabad dag daga.

Waxaan Rajeynaynaa in Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya ay ansixiyaan Xukuumadda cusub ee uu dhisay R/wasaare Xasan Cali Kheyre, arrimaha xiligaan dalka ka jira waxaan qaban lahaa wasiirada uu soo magacaabay Raisulwasaaraha.waxaan mar kale ka codsadayaa Xildhibaanada sharafta leh in ay ansixiyaan wasiiradda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.