Xilibaano 40 Gaarayo Ayaa Mooshin kawada Axmed Madoobe si xilka looga Qaado

madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa soo wajahday mucaaradad xoogan iyo mooshin culus oo ay wadaan inta badan xubnaha Barlamaanka mamulka Jubbaland.

Sida aanu ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay, 40-kamid ah xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland, kaasi oo ay doonayo in gabi ahaanba xilka looga xayuubiyo.

Mooshinkan oo markii hore 26-xilibaan ay u gudbiyeen gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa is hortaagay madaxwayne Axmed Madoobe,

waxaana uu xidhay gurigii ay ku shiri jireen Baarlamaanku taasi oo hor seeday in qaar badan oo kamid ah xilibaanada in ay magaalada Kismaayo isaga tagaan.

Xogta aanu helay ayaa sheegaysa in xubno ka tirsan safaarada Ethiopia oo kaashaanaya saraakiisha dhinaca sirdoonku in ay abaabuleen kana dambeeyaan mooshinka sida tooska ah ugu wajahan Axmed Madoobe,

waxaana taliska ciidamada Woyanaha ee magaalada Kismaayo ay safaaradu ku war gelisay in ay sugaan amaanka xilibaanada mooshinka kawada Axmed Madoobe si xilka looga qaado iyaguna ay ku gutaan waajibka saaran.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa maalmihii ugu dambeeyay ololihii doorashada madaxtinimada Soomaaliya waxa uu si cad uga hor yimid qorshihii Ethiopia ay ku doonaysay in dib loogu doorto Ex musharax madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud,

waxaana Axmed Madoobe uu ku gacan saydhay dalab uga yimid General Gabre kaas oo ahaa in uu yimaado magaalada Muqdisho una ololeeyo Xasan Sheekh Maxamuud waana sababta dhabta ee hada lagu haysto.

Tan iyo wixii xiligaasi ka dambeeyay waxaa mugdi galay xidhiidhkii u dhexeeyay kooxda Ethiopia u qaabilsan Somaaliya iyo Axmed Madobe,

waxayna taasi keentay in ay masuuliyiinta safaarada Ethiopia kiciyaan mooshinka iyo duufaanada siyaasadeed ee haatan ku kacsan madaxwayne Axmed Madoobe, lamase garan doono halka uu ku dambayn doono xaalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.